Wasaaradda Gaashaandhigga ee Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa ku dhawaaqday in difaacyadeeda hawada ay maanta ogaadeen sagaal gantaal oo ballistic ah, iyadoo siddeed ka mid ah la burburiyey, halka hal gantaal uu ku dhacay badda.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 35 drone oo dheeraad ah la ogaaday, 26 ka mid ahna la qabtay, halka sagaal drone ay ku burbureen biyaha Imaaraatka.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga oo lagu daabacay bogga X, tirada guud ee hubka Iiraan ee loo adeegsaday weerarrada Imaaraadka waxay gaartay 262 gantaal ballistic ah (241 ka mid ah la burburiyey) iyo 1,475 drone 1,385 ka mid ah la qabtay.
Weerarradan ayaa sababay lix dhimasho oo ay ku jiraan muwaadiniin ka socday Imaaraatka, Pakistan, Nepal, iyo Bangladesh.
Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay sidoo kale xaqiijisay inay “heerka ugu sareeya ee feejignaanta ku jirto isla markaana diyaar u tahay inay la tacaasho wax kasta oo halis ah.