Iran Oo bartilmaameedsatay Saldhigga Ciidamada Maraykanka ee dalka Bahrain.

Warbaahinta Reuters, oo soo xiganaysa warbaahinta Iran, ayaa sheegtay in ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ay bartilmaameedsadeen ciidamada Maraykanka ee ku sugan saldhigga Al-Jufair ee dalka Bahrain.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan uu yahay jawaab ay Iran ka bixisay duqeyn uu Maraykanku ku qaaday xarun lagu sifeeyo biyaha badda oo ku taalla jasiiradda Qeshm ee dalka Iran.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Maraykanka ama Bahrain oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkan, iyadoo xiisadda militari ee Bariga Dhexe ay weli sii xoogeysanayso.

Related posts

Madaxweynaha Colombia Oo Ugu Baaqay Trump inuu ka Fogaado R/Wasaraha Israa’iil Netanyahu.

Dawlada Jabuuti Oo Taageero u Muujisey Imaaraadka Carabta, ka dib Wada-hadal dhexmaray

Iiraan Oo Caawa Gubtay Dhismaha Marina Tower ee Dubai oo ka kooban 90 Dabaq oo Gubanaya