Iran oo gantaalo culus ku garaacday bartamaha Imaaraadka

by Heemaaln
1 minutes read

Wararka ka imanaya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn saakay lagu weerarray gudaha dalka United Arab Emirates.

Telefishinka Al Jazeera ayaa weriyey in nidaamyada difaaca hawada ee Imaaraadka ay si degdeg ah ula tacaalayaan weerarradaas, iyadoo la isku dayay in hawada lagu qabto gantaallada iyo diyaaradaha weerarka soo qaaday. Ilaa hadda lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, balse wararku waxay sheegayaan in xaaladda amniga si weyn loo adkeeyay.

Dhanka kale, dowladda imaaraadka ayaa si kulul u cambaareysay weerar kale oo loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu beegsaday qunsuliyaddeeda ku taalla magaalada Erbil ee xarunta u ah maamulka ismaamulka Kurdistan Region ee dalka Iraq. Weerarkaasi ayaa la sheegay inuu sababay burbur gaaray dhismaha qunsuliyadda, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare naf ah oo ka dhashay.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa lagu sheegay in weerarkan uu yahay xad-gudub cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah iyo ilaalinta xarumaha diblomaasiyadeed. Dowladda Abu Dhabi ayaa ugu baaqday dowladda Iraq iyo maamulka Kurdistan Region inay si degdeg ah u bilaabaan baaritaan lagu ogaanayo cidda ka dambeysay weerarkan, isla markaana tallaabo adag laga qaado masuuliyiinta falkaasi geystay.

Weerarradan isdaba jooga ah ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha militari ee ka taagan gobolka Bariga Dhexe, taas oo kor u qaadaysa walaaca laga qabo in colaadaha hadda jira ay ku fidaan dalal kale oo gobolka ku yaalla.

Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay inay xaq u leedahay inay qaaddo tallaabo kasta oo lagama maarmaan u ah si loo ilaaliyo ammaankeeda iyo xarumaheeda diblomaasiyadeed.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.