Wararka ka imanaya gobolka Kawkaska ayaa sheegaya in gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ay ku dhaceen meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Nakhchivan ee dalka Azerbaijan.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa werisay dhacdadan, iyadoo soo xiganaysa ilo ku dhow dowladda Azerbaijan oo sheegay in walxaha qarxa ay ka yimaadeen dhanka Iran. Ilo wareedyadaasi waxay tilmaameen in weerarka uu ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada, taas oo sare u qaaday walaaca ku saabsan ammaanka gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, taliska guud ee ciidamada Iran ayaa si adag u beeniyay eedeymahaas. Sida ay baahisay warbaahinta Al Jazeera, warsaxaafadeed ka soo baxay militariga Iran ayaa lagu sheegay inaysan wax weerar ah ka fulin dhulka Azerbaijan. Qoraalka ayaa lagu yiri in dhacdada diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee ka dhacday gudaha Azerbaijan ay ka dambeyso Israel, iyadoo la sheegay in ujeedadu tahay in dunida loo muujiyo in Iran ay mas’uul ka tahay weerarka.
Militariga Iran ayaa sidoo kale ku adkeystay in dalkoodu uusan wax lug ah ku lahayn weerar kasta oo lagu qaaday gudaha Azerbaijan, waxayna sheegeen in eedeymahaas ay yihiin isku day lagu abuuro xiisad cusub oo gobolka ka dhex dhalata. Dowladda Iran waxay ku celisay in aysan jirin wax hawlgal militari ah oo ay ka fulisay dhulka Azerbaijan.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli Iran ay sidoo kale beenisay inay ka dambeysay weerarro gantaallo oo lagu qaaday gudaha Turkey. Sidoo kale, dowladda United Kingdom ayaa sheegtay in weerar lagu qaaday saldhig milatari oo ay ku leedahay jasiiradda Cyprus aanu ka imaan dhanka Iran. Arrimahan is barbar socda ayaa sii kordhiyay jahwareerka ku saabsan cidda dhabta ah ee ka dambeysa weerarro kala duwan oo ka dhacay Bariga Dhexe iyo deegaanada ku dhow.
Khubarada arrimaha amniga ayaa sheegaya in dhacdooyinkan isdaba joogga ah ay muujinayaan xaalad aad u murugsan oo ka taagan gobolka, halkaas oo dalal kala duwan ay isku eedeynayaan weerarro iyo hawlgallo qarsoon. Tani waxay sare u qaadaysaa walaaca laga qabo in xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe iyo hareerihiisa ay u gudbaan heer ka sii khatar badan haddii aan xal siyaasadeed loo helin