Wasiirka Arrimaha-dibedda Iiraan, Sayid Cabbaas ayaa sheegey in aysan jirin ‘wax wada-hadal’ oo dhexmaray Mareykanka, wuxuuna hadalka Trump ee hakinta dagaalka ku sifeeyey mid ujeedkiisu yahay; in uu hoos ugu dhigo qiimaha shidaalka, sida oo kalena uu ku fushado qorshayaashiisa millateri ee ka dhanka ah Iiraan.
Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in dalalka gobolku ka dalbadeen iyaga joojinta dagaalka, balse ay ugu jawaabeen in Iiraan aysan dagaalka bilaabin.
“Tan iyo markii dagaalku bilowday, fariimo ayaa loo dirayay Iiraan iyada oo loo marayo dad dhexdhexaadinaya. Jawaabta ayaa ahayd mid cad: is difaaca Iiraan wuu socon doonaa ilaa la gaaro heer ay Iiraan ku filnaato inay iska difaacdo oo cabsi geliso cid kasta oo weerarta.
“Ma jirin wax wada hadal ah, mana jiri doono.”
Digniinta shanta maalmood ah ee Trump waxay muujineysaa in qorshihiisu uu weli ku socdo, annaguna waxaan sii wadi doonaa difaaca dalka si ballaaran.”