Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, Ali Larijani, ayaa sheegay in Tehran ay ogolaan doonto booqashooyinka dhulka hoostiisa ah iyo xarumaha ku yaala buuraha si loo caddeeyo in barnaamijkeeda Nukliyeerka uu yahay ujeedo nabadeed.
Wareysi uu siiyay Al Jazeera, Larijani wuxuu yiri “si aan wax uga qabanno walaacyada ay qabaan dadka kale, waa inaan aqbalnaa mabaadi’da Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah (IAEA). Markii aan aqbalnay heshiiska NPT, waxaan sidoo kale aqbalnay nidaamka kormeerka ee Hay’adda. Baaritaannada waa la bedeli karaa; bil kasta ama xitaa maalin kasta, si loo ogaado dhaqdhaqaaq kasta oo shaki leh.”
Xoghayaha Golaha Amniga Qaranka Iran ayaa yiri: “Xitaa haddii tignoolajiyada ay ku jirto dhulka hoostiisa ama buuraha, ma jiraan wax dhibaato ah, ururka ayaa la socon kara, waana ogolaaneynaa kormeerka.”
Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in “Arrinta la xiriirta gantaallada aysan wax shaqo ah ku lahayn wada-hadallada, loogamana hadli doono wadahadalladan”.
Geesta kale, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in gantaalaha Iran uu yahay mid ka mid ah shuruudaha uu kula xaajoonayo Iran.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in heshiis kasta oo lala galo Iran ay tahay in lagu daro arrinta gantaalada balaastikada ah.