Iran oo Shaacisay iney Bedelayso Siyaasadii Weerarada Jawaab Celinta ah.

Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa ku dhawaaqay isbeddel weyn oo ku yimid istaraatiijiyaddooda milatari, iyagoo sheegay inay ka gudbeen siyaasaddii hore ee ku dhisnayd weerarro jawaab celin ah. Sida ay werisay Sky News, Tehran ayaa hadda qorsheyneysa inay qaaddo weerarro joogto ah oo ka dhan ah Israel, taas oo muujinaysa kororka xiisadda militari ee u dhexeysa labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in isbeddelkan uu ka dhigan yahay in Iran ay doonayso inay qaaddo tallaabooyin milatari oo joogto ah, halkii ay ku koobnaan lahayd jawaab celin ku aaddan weerarro ama tallaabooyin ay Israa’iil qaaddo.

Falanqeeyayaasha arrimaha amniga ayaa sheegay in siyaasaddan cusub ay kordhin karto khatarta dagaal ballaaran oo ka qarxa gobolka Bariga Dhexe.

Dhanka kale, ciidamada Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC) ayaa sheegay inay fuliyeen weerarro gaar ah oo lagu beegsaday gudaha Israa’iil. Sida ay werisay Al Jazeera, weerarradaas ayaa lagu bartilmaameedsaday xarun sirdoon milatari iyo sidoo kale cutubka sirdoonka Israa’iil ee loo yaqaan Unit 8200.

Cutubkan sirdoon ee 8200 ayaa ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan ee sirdoonka milatariga Israa’iil, waxaana la rumeysan yahay inuu door weyn ka ciyaaro hawlgallada sirdoon iyo weerarrada tiknoolajiyadda ku saleysan ee Israa’iil ka fuliso dalalka Bariga Dhexe.

Iran ayaa sheegtay in bartilmaameedyadaasi ay ahaayeen xarumo muhiim u ah hawlgallada sirdoonka Israa’iil ee gobolka.

Inkasta oo Israa’iil weli si rasmi ah uga hadlin sheegashada Iran, haddana dhacdadan ayaa imaneysa xilli xiisadda militari ee u dhexeysa Tehran iyo Tel Aviv ay mar hore gaartay heer sare, iyadoo ay jiraan cabsi laga qabo in isku dhacyada labada dhinac ay isu beddelaan dagaal ballaaran oo saameeya dalal badan oo gobolka ah.

Related posts

FBI-da Mareykanka Oo ka Digtay Weeraro Iran kusoo Qaadi karto Xeebaha Galbeedka Maraykanka.

Madaxwaynayaasha Somaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, Oo Caawa Kulan Xogwaraysi ah ku Yeeshay Magalada Jabuuti.

30 Qof Oo ku Dhimatay Daadad kusoo Fatahay koofurta Itoobiya