Dawladda Iiraan, ayaa ku sheegtay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland , inuu qeyb ka yahay siyaasadeeda ay ku kala goynayso dalalka Muslimiinta.
Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan, Ismaciil Baqaai uu sheegay inay Iiraan garab-taagantahay Soomaaliya oo ay taageerrayso midnimada iyo wadajirkeeda dhuleed, sida ay baahisay wakaaladda wararka Iiraan ee IRNA.
Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa muddo xileedkiisii hore xiriirka u jaray Iran, iyadoo xiligaas Somalia ay la safatay sacuudiga oo khilaaf adag uu kala dhexeeyey Iran.
Dhinaca kale, dalka Koonfurta Suudaan oo loo soo bandhigay inay noqoto dalka xiga Israa’iil ee aqoonsan kara Somaliland ayaa soo bandhigtay mowqifkeeda ku aaday arrimahaas
Wasiirka arrimaha dibadda Koonfurta Suudaan, Simaya Kumba oo maanta telefoon kula hadlay dhiggiisa Soomaaliya uu sheegay inay Koonfurta Suudaan taageersantahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, sida ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
