Iran oo Weerartay Saldhiga Ciidanka UK Ee Jasiirada Diego Garcia

Iran ay gantaallo ku garaacday saldhigga ay wadaagaan UK iyo Mareykanka ee ku yaalla Jaiirada Diego Garcia ee Badweynta India

Wakaaladda wararka ee IRNA oo soo xiganaysa waaxda xiriirka dadweynaha ee Ciidanka Ilaalada kacaanka Iran IRGC, ayaa ku warrantay in diyaaradda “ay 3:45 subaxnimo bartamaha Iran ku dhufteen nidaamka difaaca hawada casriga ah ee Ilaalada Kacaanka”.

IRGC ayaa sheegtay in diyaaraddan ay tahay tii saddexaad oo la bartilmaameedsado tan iyo markii uu dagaalka billowday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan labada kale.

Hadalka IRGC kuma cadda in diyaaradda dagaal ee ay sheegtay in ay maanta bartilmaameedsatay ay dhab ahaantii soo dhacday iyo in kale.

Milateriga Israa’iil ayaa horay u xaqiijiyay in mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ay la kulantay “gantalka hawada sare” ee Iran.

Weerark ayaa ahaa mid aan lagu guuleysan oo dhacay ka markii UK ay xalay ku dhawaaqday ballaarinta isticmaalka Mareykanka ee saldhigyada Ingiriiska.

Ira oo ka carootay talaabadaas talaabadaas ayaa ku goodisay iney beegsan doonto saldhigyada UK ee gantaaladeedu gaari karaan, ayna yihin bartilmaameedyo sharci ah

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay si kumeel gaar ah u dabcisay cunaqabateyntii saarneyd dhoofinta shidaalka Iran, taas oo u oggolaaneysa in maraakiib shidaal sida oo ku sugan badda ay si xor ah u iibiyaan saliidda muddo 30 cisho ah.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay u sahli karto Iran inay hesho dhaqaale ka badan 14 bilyan oo dollar, iyadoo tani noqoneyso markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1996 ee si furan loo oggolaado iibka shidaalkeeda

Related posts

Israa’iil Oo Sheegay Inay 20 Qof ku Dhaawacmeen Gantaalo ay Caawa Iran ku Weerartay Dimona

Israel Oo ku Baaqday in loo Midoobo Dagaalka Iran Walaac-na ka Muujisay Gantaalka 4,000 KM

Madaxwayne Trump Oo ku Farxay Geerida Madaxii hore ee Hay’ada Sirdoonka Maraykanka