Heemaal News Network

Iran Oo Xukun Dil Ah Ku Fulisay 27 Jir Ku Eedaysnaa La Shaqaynta Mossaad

Iran ayaa fulisay xukun dil ah oo lagu riday nin lagu helay dambiga basaasnimo u shaqaynta hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta garsoorka, iyadoo Tehran ay sii waddo olole ballaaran oo lagu beegsanayo dadka lagu tuhunsan yahay inay la shaqeeyaan cadowga, kaddib dagaalkii 12-ka maalmood socday ee dhex maray Israa’iil, Maraykanka iyo Iran horaantii sannadkan.

Aghil Keshavarz ayaa la dilay subaxnimadii Sabtida kaddib markii Maxkamadda Sare ay ansixisay xukunkiisa la xiriira dambiyada basaasnimada, sida ay sheegtay Mizan, oo ah wakaaladda wararka rasmiga ah ee garsoorka.

Ninkan oo 27 jir ahaa, isla markaana ahaa arday baranayay naqshadeynta dhismayaasha, ayaa horraantii sannadkan lagu xiray magaalada Urmia ee waqooyi-galbeed dalka, kaddib markii roondooyin militari ay qabteen isagoo sawiraya dhisme xarun ciidan ah.

Fulintan xukunka dilka ah ayaa ku biiraysa tirada sii kordheysa ee dadka loo dilay dambiyada basaasnimo tan iyo khilaafkii bishii Juun, iyadoo ugu yaraan 10 qof la fuliyay xukunkooda illaa bisha Sebtembar oo keliya.

Bishii Sebtembar, Iran waxay fulisay xukun dil ah oo lagu riday nin ay sheegtay inuu ahaa “mid ka mid ah basaasiinta ugu muhiimsan ee Israa’iil ku lahayd Iran”.

Bishii Oktoobar, Tehran waxay adkaysay sharciyada ka dhanka ah dadka lagu eedeeyo basaasnimo u shaqaynta Israa’iil iyo Maraykanka, iyadoo ka dhigtay basaasnimada dembi si toos ah loogu mutaysto dil iyo la wareegidda hantida.

Sida lagu sheegay warbixinta Mizan, Keshavarz waxaa lagu eedeeyay inuu fuliyay in ka badan 200 hawlood oo uu u qabtay sirdoonka Israa’iil, kuwaas oo ka dhacay magaalooyinka Tehran, Isfahan, Urmia iyo Shahroud.

Hawlahaas ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen sawiridda goobaha la beegsanayo, sameynta sahanno aragti dadweyne, iyo la socodka dhaq-dhaqaaqa gaadiidka ee meelo gaar ah.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen inuu la xiriiri jiray Mossad-ka Israa’iil iyo mas’uuliyiin militari isagoo adeegsanaya barnaamijyo fariin-isku-dir ah oo sir ah, isla markaana uu lacag ku qaadan jiray cryptocurrency kaddib marka uu dhammeeyo hawlaha loo igmaday.

Garsoorku wuxuu sheegay in Keshavarz uu “si miyir leh ula shaqeeyay” hay’adaha Israa’iil isagoo ujeedkiisu ahaa inuu waxyeelleeyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Kooxda Iran Human Rights ee fadhigeedu yahay Oslo ayaa horey u diidday xukunnada noocan ah ee basaasnimo, iyadoo sheegtay in eedeysanayaal badan lagu qasbo qiraallo been ah kaddib jirdil.