Warbaahinta Dowladda Iiraan ee IRIB ayaa ku warameysa in ciidamada qalabka sida ee Iiraan ay diyaar u yihiin in ay qabsadaan xeebaha Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn oo ay dib u qaabeeyaan gobolka haddii Mareykanku uu bilaabo howlgal dhulka ah oo ku qabsanayo jasiiradda shidaalka Iiraan laga dhoofiyo ee Kharg.
Sidoo kale Dowladda Iiraan ayaa ku goodisey in ay xidhayso marin-biyoodka Baab Al-Mandeb, haddii Mareykanku uu weerar dhulka ah ku qaado Jasiiradaha Iiraan, tani oo toos u saamaynaysa ganacsiga Soomaalida, sida ay werisey wakaaladda Tasnim.
HNN