IRGC: Hadii uu nool yahay waan daba-galynaa ilaa aan ka dilno

by Heemaal
1 minutes read

HNN: Hanjabaad ka timid Islamic Revolutionary Guard Corps, oo ah ciidamo awood badan oo ka tirsan Iran. Hanjabaaddan waxaa lagu daabacay warbaahintooda Sepah News, halkaas oo ay ku sheegeen inay beegsan doonaan ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, inta uu socdo dagaalka iyo xiisadda u dhexeysa Israel iyo United States.

Hadalka ay soo saareen waxay ku tilmaameen Netanyahu “dambiile carruur dila”, waxayna sheegeen in haddii uu weli nool yahay ay sii wadi doonaan inay daba galaan oo isku dayaan inay dilaan iyaga iyagoo adeegsanaya awood buuxda. Iiraan ayaa shakhsi ahaan u beegsanaysay dhawaanahan, iyada oo u argta in uu ku hawalan yahay burburinta dalkooda, iyo beegsiga madaxdooda.

Xiisadda u dhexeysa Iran iyo Israel waa mid soo jirtay sanado badan. Labada dal marar badan waxay ku jiraan dagaal aan toos ahayn, sida weerarro sirdoon, weerarro cirka ah, ama weerarro ay sameeyaan kooxo ay taageeraan. Iran waxay taageertaa kooxo hubeysan sida Hezbollah ee Lubnaan iyo Hamas ee Gaza, kuwaas oo la dagaallama Israel.

Hanjabaaddan badanaa waxaa loo arkaa hadal siyaasadeed iyo mid militari oo muujinaya xiisadda sii kordheysa ee gobolka. Inkastoo hadalka uu aad u culus yahay, madaxda sida Benjamin Netanyahu waxay leeyihiin ilaalin amni oo aad u adag, waxaana marar badan dhacda in dhinacyada isku haya khilaafka ay isku diraan hanjabaado noocan oo kale ah.

Heemaal News Network

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.