Israa’iil oo qiratay dhaawac 177 qof 24 saac ee dunabaysay

HNN: Wasaaradda Caafimaadka ee Israa’iil ayaa xaqiijisay in 177 qof oo dhaawac ah lagu soo qaaday isbitaallada dalka 24-kii saac ee ugu dambeeyay. Tani waxay tirada guud ee dadka ku dhaawacmay colaadda ka jirta dalkaas gaarsiisay 3,924 qof, sida ay shaacisay wasaaradda.

Warbaahinta gudaha Israa’iil ayaa faahfaahin ka bixisay goobaha weerarrada lagu qaaday, iyagoo sheegay in weerarada ay ka dhaceen magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla dalka, oo ay ku jiraan Ashkelon, Beersheba, iyo Tel Aviv. Waxaa si gaar ah loo sheegay in garoonka diyaaradaha ee Tel Aviv la beegsaday, halkaas oo weerar ka dhacay oo dhaawacyo keenay, taas oo muujinaysa in weerarradu ay gaareen meelaha muhiimka ah ee kaabayaasha dalka.

Sida ay wrisay Al-jazsera waxaa la gubay dayaaradaha shiidaalka ku siiya hawada, dayaaradaha dagaalka, kuwaas oo yaalay garoonka dayaaradah ee Tel Aviv, halkaas oo muuqaalo laga duubay la arkaayey holac.

Israa’iil ayaa xadiday ogaanshaha khasaaraha dagaalka, dawlada ayaana ah isha kaliya ee warka fidin karta, taas oo xaalada ka dhigaysa in aan la ogaan karin, baaxada dhibta.

Heemaal News Network

Related posts

FBI oo baaritaan ku bilowday Joe Kent, akhriso waraysi uu kaga hadlay xaaladahan

Maraykanka Oo Diyaarinaya Weji Cusub Oo Dagaalka Bariga Dhexe Ah

Araghchi oo Dhaleeceeyay Mowqifka Macron ee Weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ku Qaaday Iran