Israa’iil Oo soo Bandhigtay Qorshaheeda Cusub ee ku Aadan Lubnaan iyo Iiraan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Afhayeen u hadlay Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in ay leeyihiin “qorshayaal waaweyn” oo ay ku sii wadi doonaan hawlgalladooda koonfurta Lubnaan iyo Iran.

“Waxaan joognaa isgoys taariikhi ah,” ayuu yiri Taliyaha Guud ee Ciidamada, Eyal Zamir, qoraal uu ku baahiyay Telegram. Wuxuu intaas ku daray in qorshuhu yahay “in si aasaasi ah loo beddelo xaaladda amniga – laga bilaabo Tehran ilaa Beirut.”

Tani waxay daba socotaa hadallo hore oo uu jeediyay Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, kaas oo ka hadlay abuurista “aag difaac” oo gobolka ah, iyadoo ciidamada Israa’iil ay maamulayaan dhul ballaaran oo ka tirsan koonfurta Lubnaan.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in la ilaaliyo bulshooyinka ku nool waqooyiga Israa’iil si looga difaaco weerarrada Xisbullah.

Hawlgalladii hore ee IDF ee gobolka waxaa ka mid ahaa burburinta buundooyin ku yaalla webiga Litani, oo qiyaastii 30km (19 mayl) u jira xadka u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.