Israel ayaa sheegtay inay weerarro cusub ku beegsaday “wadnaha Tehran”

by Heemaal
1 minutes read

Milatariga Israel ayaa ku dhawaaqay in duqayn kale oo diyaaradeed uu ka dhacay gudaha Iran, gaar ahaan bartamaha caasimadda Tehran,   tallaabo aan caadi ahayn oo sababtay xiisad milatari oo ba’an gobolka.

Sida ay sheegtay ciidamada hawada ee Israa’iil, duqayntu waxay bartilmaameedsatay “meelaha ka tirsan nidaamka argagixiso ee Iiraan ee ku jira wadnaha Tehran,” iyagoo adeegsanaya xog sirdoon milatari oo hagta hawlgallada.

Wararka kale waxay sheegeen in duqayntu ay qeyb ka tahay mowjado ka sii socda oo weerarro ah oo lagu beegsanayo xarumo milatari iyo nidaamyo difaac ah bartamaha iyo galbeedka Iiraan, waxaanay arrintani sii kordhiyey xiisadda milatari ee u dhaxaysa labada dal.

Dhanka kale, Iiraan ayaa ka jawaabtay weerarradaas iyadoo soo riday gantaallo iyo diyaaradahaan aan duuliyaha lahayn (drone-yo) ku wajahan Israa’iil iyo saldhigyo Maraykan ah gobollada ku dhow, taas oo sii hurisay khilaafka.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.