Israel oo Marti-gelisay weeraro kale oo khasaare badan Geystay

by Heemaaln
2 minutes read

Telefishinka Israa’iil ee Channel 12 ayaa ku warramay in Iran ay weerar culus oo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku qaaday maanta duhurnimadii gudaha Israel, iyadoo qaraxyo xooggan laga maqlay magaalada Tel Aviv.

Warbixinta ayaa sheegtay in qaar ka mid ah gantaallada iyo diyaaradahaasi ay ku dhaceen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha magaalada, taasoo sababtay khasaare hantiyeed iyo cabsi xooggan oo soo wajahday shacabka. Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sidoo kale la sheegay inay hawlgallo difaac ah wadaan si ay u qabtaan gantaallada iyo diyaaradaha kale ee hawada ku soo wajahan.

Dhinaca kale, Wasiirka Difaaca ee Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in United States ay qorsheynayso inay qaaddo weerarro aad u xooggan oo ka dhan ah Iran. Wuxuu tilmaamay in weerarrada la qorsheynayo ay noqon doonaan kuwii ugu xoogga badnaa ee Mareykanku ku qaado Iiraan, taasoo muujinaysa sida ay u sii kordhayso xiisadda militari ee gobolka Bariga Dhexe.

Warbixin ay daabacday wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaysa in Israa’iil ay dadaal ugu jirto inay gaarsiiso Iiraan khasaare militari oo ballaaran inta ay weli jirto fursad ay ku sii waddo weerarrada. Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamay in hoggaanka Israa’iil ay doonayaan inay cadaadis xooggan saaraan Iiraan kahor inta aysan dhicin wax isbeddel siyaasadeed oo ku yimaada xaaladda dagaalka.

Sababta ugu weyn ee degdeggaasi ayaa lagu sheegay cabsi laga qabo in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu go’aan siyaasadeed ka qaato joojinta dagaalka wakhti kasta. Haddii arrintaasi dhacdo, waxaa suuragal ah in si lama filaan ah loo joojiyo hawlgallada militari ee socda, taasoo xaddidi karta awoodda Israa’iil ee ay ku sii wadi karto weerarrada ka dhanka ah Iiraan.

Xiisaddan sii kordheysa ayaa sare u qaadaysa walaaca caalamiga ah ee ku saabsan suurtagalnimada in dagaalka uu ku fido dalal kale oo gobolka ah, iyadoo falanqeeyayaal badan ay ka digayaan in haddii colaaddan la xakameyn waayo ay keeni karto dagaal ballaaran oo saameeya amniga iyo xasilloonida Bariga Dhexe.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.