Israel Oo Sheegtay in Dekedda Cumaan Ee Ay Maanta Iran Weerartay Leedahay Shirkadda Mareykanka ah.

Mareegta Yeshiva World News, oo ah warbaahin ay leeyihiin Yuhuudda Orthodox-ka ah, ayaa sheegtay in goobta ay maanta Iiraan weerartay ee dekedda magaalada Salalah ee dalka Cumaan inay leedahay shirkadda Mareykanka oo lagu magacaabo MINA Petroleum.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in shirkaddan ay Cumaan ka waddo mashruuc dhanka kaabayaasha ah, kaas oo ay u fulinayso Hay’adda Saadka Difaaca ee Mareykanka.Mashruucaas waxaa ku jira dhismaha xarun weyn oo shidaalka lagu kaydiyo, taas oo qaadi karta ilaa 230 kun oo mitir kuyuubik.Waxay kaloo xaruntaasi awood u yeelan doontaa inay qaabbisho, kaydiso, oo bixiso ku dhowaad 61 milyan oo gallon oo shidaal ah, si loogu taageero maraakiibta ciidamada badda ee Mareykanka.

Screenshot

Related posts

FBI-da Mareykanka Oo ka Digtay Weeraro Iran kusoo Qaadi karto Xeebaha Galbeedka Maraykanka.

Madaxwaynayaasha Somaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, Oo Caawa Kulan Xogwaraysi ah ku Yeeshay Magalada Jabuuti.

30 Qof Oo ku Dhimatay Daadad kusoo Fatahay koofurta Itoobiya