Dawladaha Itoobiya iyo Israa’iil, ayaa ka wadahadlay sidii sare loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya wadamadooda, isla markaana uu xidhiidhkaasi u noqon lahaa mid la gaadhsiiyo meeqaamka ugu sareeya ee istaraatijiyadeed.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Ambassor Hadera Abera oo xafiiskiisa maanta ku qaabilay Safiirka Israa’iil u fadhiya Addis Ababa Ambassador Avraham Neguise, ayaa waxa ay labada dhinac ka wada-xaajoodeed xaaladaha Gobolka Geeska Afrika iyo danaha guud ee ay labada dal wadaagaan.
Dalka Israa’iil ayaa xiligan si weyn u danaynaya xidhiidhka Itoobiya, waxaana dhawaan dalkaasi booqday Madaxweynaha Israa?iil Isaac Herzog, halka uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil uu sannadkii 2025 laba jeer booqday Itoobiya, iyadoo ay labada dalna bishii January 2026 ay wada yeesheen kulankoodii afraad ee wada-tashiga arrimaha siyaasadda ahaa.
Kulankan maanta ayaa ku soo beegmaya xili ay Israa’iil iyo Maraykanku dagaal adag kula jiraan dalka Iran.