Itoobiya Oo Badd La’aanta ku Tilmaantay Dhiig-bax ku socda Dhaqaalaha iyo Nolosha Itoobiya

Itoobiya ayaa sheegtay in bad la’aantu ay dalkooda ku qasabtay inay sannad walba lacago ballaayiin doollar ah ku bixiyaan kirada iyo isticmaalka badaha iyo dekedaha Gobolka, taasi oo ay ku tilmaantay inay tahay dhiig-bax ku socda dhaqaalaha iyo nolosha Itoobiya.

Sida ay mar dhawayd faafiyey warbaahinta Ethiopian Broadcasting Corporation, Itoobiya waxay aad ugu dhawdahay marin-biyoodka Bab-El-Mendeb oo ah marin muhiim u ah ganacsiga dunida, balse ay Itoobiya ka qatan tahay.

Waxa kaloo ay Itoobiya sheegtay in lacagta kaga baxda kirada dekedaha gobolku ay dalkasi u dhisi lahayd adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka, loogana faa’iidaysan lahaa horumarka guud ee dalkaasi haddii ay Itoobiya yeelan lahayd bad iyo deked ay gaar u adeegsato, halka sidoo kale ay xustay inay ka raysan lahayd cashuuraha iyo tacriifadaha xad-dhaafka ah iyo cadaadisyada diblomaasiyadeed ee ay bad la’aantu ugu wacan tahay.

“Itoobiya ay yeelato marin ay badda ka gasho waa maaha oo qudha dano horumarineed, balse waa arrin badbaado nololeed ah. Haddii ay Itoobiya bad yeelan lahayd, sida dalka Singapore oo kale waxay heli lahayd dakhli xoogan oo uga soo xerooda maraakiibta iyo shidaalka, taasi oo shaqo abuur u noqon lahayd malaayiin qof oo reer Itoobiya ah,” ayaa lagu yidhi qoraalkan.

Related posts

Xoghayaha A.Dibadda Mareykanka Oo Sheegay In Shirka Bari Ee G7 Looga Hadlayo Dagaalka Iran

Ganacsatada Suuqa Wayn Ee Bakaaraha oo ka Qeylinaya Dhulboobka ka Taagan Muqdisho..

Trump:-“Iran Iyadaa Nooga Baahi-badan Heshiiska.”