Warbaahinta Al Jazeera ayaa ku waramaysa in Jabuuti ay sare u qaadday heeganka badda isla markaana ay xoojisay ilaalinta marinka muhiimka ah ee Baabul-Mandab, xilli ay sii kordhayaan welwelka ka dhashay xiisadaha milatari ee Bariga Dhexe. Ciidanka ilaalada xeebaha Jabuuti ayaa sheegay in xaaladda amni ee marinkaasi weli deggan tahay, balse dalka uu kordhiyay roondooyinka badda si loo sugo maraakiibta iyo xuduudaha badeed.
Warbixintu waxay sheegtay in Jabuuti ay sidoo kale diyaarisay dekedaheeda si ay ula tacaalaan qulqulka maraakiibta xamuulka ee laga leexinayo dekedaha Khaliijka, iyadoo qaar ka mid ah maraakiibtaasi si ku meel gaar ah uga dejinayaan xamuulkooda Jabuuti ka hor inta aan dib loo rarinin.
Mas’uuliyiinta dekedaha Jabuuti ayaa ka digay in xirmashada Hormuz ama khataraha ka jira Baabul-Mandab ay halis gelin karaan qayb aad u weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamka, isla markaana ay sare u qaadi karaan qiimaha badeecadaha.
Dhanka kale, howlgalka badeedka Midowga Yurub ee “Aspides” ayaa isna kor u qaaday heerka feejignaanta, isagoo maraakiibta ganacsiga kula taliyay inay ka fogaadaan biyaha Yemen marka ay ka gudbayaan Baabul-Mandab, isla markaana ay u dhowaadaan xeebaha Afrika si loo yareeyo khatarta weerarro suurtagal ah. Howlgalku wuxuu qiray in ilaha ciidan ee hadda yaalla ay xaddidan yihiin, taas oo keeni karta dib u dhac ku yimaadda ilaalinta iyo galbinta maraakiibta codsata amniga.
Al Jazeera.