Japan Oo Beenisay War Uu Mareykanku ka Baahiyay Oo ku Saabsanaa Marinka Hormuz

Japan ayaa beenisay sheegasho ka timid Mareykanka oo sheegaysay in Tokyo ay qorsheyneyso inay ciidamo badeed u dirto Marinka Hormuz, iyadoo si cad isaga fogeysay doorka militari ee lagu ilaalinayo marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee maraakiibta ganacsiga adduunka.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Jiji Press, Xoghayaha Sare ee Golaha Wasiirrada Japan Minoru Kihara ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Sanae Takaichi uusan si cad u bixin ballanqaad ku saabsan in markabyo ka tirsan Ciidanka Is-difaaca Badda Japan loo dirayo gobolkaas.

Japan ayaa sidaas ku caddeysay in aysan jirin go’aan rasmi ah oo ku saabsan ka qaybgalka hawlgal militari oo lagu sugayo amniga Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah shidaalka iyo ganacsiga caalamiga ah.

Related posts

Xoghayaha A.Dibadda Mareykanka Oo Sheegay In Shirka Bari Ee G7 Looga Hadlayo Dagaalka Iran

Ganacsatada Suuqa Wayn Ee Bakaaraha oo ka Qeylinaya Dhulboobka ka Taagan Muqdisho..

Trump:-“Iran Iyadaa Nooga Baahi-badan Heshiiska.”