Maamulka Jubaland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku muujisay walaac ku aaddan hanaanka wax-ka-beddelka Dastuurka Federaalka, iyadoo sheegtay in arrintan loo baahan yahay wadatashi iyo is-afgarad ballaaran.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda Jubaland, kuwaas oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay matalaadda shacabka iyo difaaca nidaamka federaalka. Jubaland waxay carrabka ku adkeysay in isbeddel kasta oo lagu sameynayo Dastuurka uu noqdo mid waafaqsan heshiisyadii hore iyo rabitaanka guud ee ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Jubaland waxay sheegtay in dowlad-goboleedyada dalka ay leeyihiin door muhiim ah oo ku aaddan arrimaha dastuurka, maadaama ay qayb ka yihiin nidaamka federaalka. Waxay tilmaantay in go’aanno waaweyn oo saameyn ku leh mustaqbalka dalka aan lagu gaari karin si deg-deg ah ama si gaar ah, balse loo baahan yahay wadahadal iyo heshiis siyaasadeed.
Maamulka ayaa intaas ku daray in wax-ka-beddel kasta oo dastuurka lagu sameeyo uu noqon karo mid sharci ahaan sax ah oo keliya marka la helo is-afgarad qaran oo loo dhan yahay, si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka.
Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday xildhibaanada ka soo jeeda deegaannadeeda, iyo kuwa kale ee ku jira Baarlamaanka Jubaland, in ay si feejigan uga fiirsadaan tallaabo kasta oo la xiriirta dastuurka, isla markaana ay hormuud ka noqdaan dadaallada lagu xoojinayo wadajirka iyo xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.