Jubbaland Oo Burburisay Goobo Istiraatiiji u ahaa Al Shabaab.

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbalan, ayaa sheegay in ay soo afjareen howlgal qorsheysan oo socday afar maalmood, kaas oo laga fuliyay Howdka Fog ee Badda Madow, deegaanka Lagta Hola-Wajeer ee Degmada Badhaadhe, Gobolka Jubada Hoose.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Dowladda Jubbaland, howlgalka oo uu hoggaaminayay Agaasimaha JISA, Maxamed Axmed Sabriye (Basaam), islamarkaana ay hawada ka taageereen saaxiibo caalami ah, ayaa lagu burburiyay saldhigyo, xarumo saadka iyo isgaarsiinta, keydad hub iyo walxo qarxa.

Warbixinta Jubbaland waxay intaas ku dartay in in ka badan 60 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al Shabaab, oo ay ku jireen horjoogayaal, lagu dilay howlgalka, halka ciidamada ay gacanta ku dhigeen meydad, miinooyin, qalab isgaarsiineed, hub iyo saanad ciidan. Xeryaha la burburiyay ayaa lagu sheegay kuwo laga soo abaabuli jiray weerarro ka dhan ah shacabka, isla markaana lala xiriiriyay weerar dhawaan ka dhacay deegaanka Kudhaa.

Ugu dambayn, Dowladda Jubbaland ayaa u mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah ee taageerada ka geystay howlgalka, iyadoo mar kale ku celisay go’aankeeda ah la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo sugidda amniga deegaannada hoos yimaada maamulka.

Related posts

In ka badan Kun Askri oo ICE ah Oo laga Saaray Minnesota.

Shiinaha Oo Maanta Xaqiijiyay inuu Iran ku Wareejiyay Raadaarka nooca YLC-8B.

Erdogan Oo Baajiyay Booqashadii Uu ku Tagayay Imaaraadka Iyo Sababta loo Baajiyay