Jubbaland oo ka Hadashay Go’aan lagu Celiyay Diyaarad ay la socdeen Ciidamada Ilaalada Axmed Madoobe

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

Jubbaland ayaa sheegtay in ay si adag uga xun tahay go’aanka lagu hakiyay safarka wafdi horudhac u ah Madaxweynaha Jubaland iyo ilaaladiisa gaarka ah, kaddib markii Dowladda Federaalka ah ay ka celisay diyaaraddii sidday wafdigan Garoonka Muqdisho.

Jubbaland ayaa sheegtay in safarka diyaaradda si rasmi ah loola socodsiiyay Hay’adda Duulista Rayidka, guddiga qaban-qaabada shirka, iyo laamaha Amniga Dowladda Federaalka ah. Hase yeeshee, marka diyaaradu ku dhowaatay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ayay sheegtay in si lama filaan ah loo soo saaray go’aan ah in diyaaraddu dib ugu laabato Kismaayo, iyadoo aan la hubin in shidaalka diyaaradu ku filan yahay.

War-saxaafadeed ay soo saartay Jubbaland ayaa lagu sheegay tallaabada Dowladda Federaalka in ay halis gelisay nolosha wafdiga.

Sidoo kale, Jubbaland waxay sheegtay in hawada laga celiyay laba diyaaradood oo shacab ah oo waday dad rayid ah, lagana celiyay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, taas oo ay sheegeen in ay muujinayso halista ka dhalanaysa go’aannada noocan ah.

Jubbaland waxay Dowladda Federaalka ku eedeysay in ay ka caga-jiidayso qabsoomidda shirka Wadatashiga ah ee Muqdisho, taasoo ay sheegeen in ay muujinayso niyad-sami la’aan iyo ka go’naansho la’aan xal loo helo xaaladda cakiran ee dalka.

Waxay sidoo kale sheegtay in aysan jirin wax go’aan ah oo ay wada gaareen guddiyada wadajirka ah ee la xiriira tirada ilaalada ama martida wafdiga Madaxweynaha, iyadoo sheegtay in wararka sheegaya in arrimahan heshiis laga gaaray loo arko kuwo aan sal iyo raad lahayn.

Jubbaland ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aaddan helitaanka xal waara iyo ka miro-dhalinta Shirka Wadatashiga ah, hase yeeshee waxay sheegtay in ficillada Dowladda Federaalka ay abuurayaan xaalado amni oo halis ah, isla markaana su’aalo ka taagan tahay sida Dowladda Federaalka loogu arki karo mid masuul ah oo la isku halayn karo.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.