Kabtanka Liverpool Virgil van Dijk “Waxaan Jeclaan Lahaa In Uu Saalax Nala Joogo”

Kabtanka Liverpool Virgil van Dijk ayaa sheegay inuu “mar walba doonayo” in Mohamed Salah sii joogo kooxda, kadib markii xiddiga Masaarida ah uu door weyn ka qaatay guushii FA Cup ay ka gaareen Brighton.

33-jirkan ayaa dhaliyay gool isla markaana caawiyay mid kale, iyadoo Liverpool ku badisay 3-0 si ay ugu gudubto wareegga shanaad.

Bishii December, Salah wuxuu sheegay in “lagu hoos tuuray baska hoostiisa” (loo qaldamay/loo eedeeyay si aan caddaalad ahayn) islamarkaana xiriirkiisa uu xumaaday tababaraha Arne Slot xilli kooxda ay ku jirtay marxalad natiijooyin liita.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii uu kasoo laabtay Koobka Qaramada Afrika bishii Janaayo, Salah wuxuu bilaabay kulan kasta oo Liverpool ah, isagoo dhaliyay laba gool isla markaana sameeyay afar caawin.

Heshiiska haatan ee Salah wuxuu dhacayaa 2027, waxaana jirta suurtagalnimo uu xagaagan uga tago kooxda kadib sagaal sano oo uu joogay Liverpool.

Kooxda Al-Ittihad ayaa isku dayday inay la saxiixato Salah sanadkii 2023, iyadoo Saudi Pro League ay weli xiisaynayso haddii uu diyaar noqdo.

Van Dijk wuxuu tilmaamay in Salah weli jabinayo rikoorro, isagoo sheegay in caawintii uu ka sameeyay Sunderland usbuucii hore ka dhigtay inuu la siman yahay Steven Gerrard marka la eego caawinta ugu badan ee Premier League uu u sameeyay Liverpool – 92 caawin.

“Mo wali waa hoggaamiye, anigana kabtan ahaan aad bay muhiim iigu tahay inuu garoonka joogo. Joogitaankiisa waxay faa’iido u tahay kooxda,” ayuu yiri Van Dijk, 34 jir.

“Wuxuu kooxda siiyaa wax ka badan goolal. Hadda waxaa xoogga la saaraa goolashiisa sababtoo ah heerka uu dejiyay waa mid aad u sarreeya, markaa marka uusan goolal badan dhalin waa la dhaleeceeyaa.”

Kahor Sabtidii, Salah wuxuu dhaliyay hal gool oo keliya 12-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Rigooradii uu ka dhaliyay Brighton waxay ahayd goolkiisii toddobaad ee xilli ciyaareedkan. Xilli ciyaareedkii hore, Salah wuxuu dhaliyay 34 gool isagoo kooxda la qaaday horyaalka Premier League, wuxuuna guud ahaan dhaliyay 252 gool tan iyo markii uu ku biiray Liverpool sanadkii 2017.

Van Dijk ayaa isna saxiixay heshiis labo sano ah toddobaad kadib markii Salah uu kordhiyay heshiiskiisa bishii April.

Daafaca Dutch-ka ah ayaa sidoo kale wajahaya xilli ciyaareed adag, iyadoo Liverpool ay ku jirto kaalinta lixaad ee Premier League, iyadoo 12 guul ka heshay 26 kulan.

“[Mo] aniga ayuu ila mid yahay – hal sano ayuu u harsan yahay [heshiiska], marka waan arki doonnaa,” ayuu Van Dijk ku daray.

“Mar walba waan doonayaa inuu joogo sababtoo ah waa saaxiibkay, waxaana wadaagnay waqtiyo wanaagsan iyo kuwo aan sidaas u fiicneyn .

“Mo waa ciyaaryahan aad muhiim ugu ah Liverpool, wuxuuna dejiyay heer aad u sarreeya. Anaga waxba iskama beddelin.

“Waxyaabo badan ayaa jira oo dadku aanay arkin oo muhiim u ah in la noqdo koox guuleysata. Aan aragno inta ka dhiman xilli ciyaareedkan sida uu muhiim u yahay oo uu noqon karo.”

 

 

Related posts

Ciyaartii ka dhacday Villa Park ayaa mar kale dib u hurisay doodda ku saabsan baahida loo qabo VAR

Martin Zubimendi Ma Cayaartoyga Ugu Fiican Arsenal-baa?

Igor Tudor oo la wareegay Tottenham Hotspur. “dagaal badan, weerar toos ah iyo dadaal joogto ah”