Keir Starmer: dhammaanteen waxaan xusuusannaa khaladaadkii Iraq

Ra’iisul Wasaaraha United Kingdom, Keir Starmer, ayaa ku sheegay bayaan muuqaal ah in UK aysan ka qayb qaadan doonin weerarradan, balse ay sii wadi doonto tallaabooyinkeeda difaaca ee gobolka.

“Waxaan rabaa inaan si cad u sheego dhammaanteen waxaan xusuusannaa khaladaadkii Iraq, waxaanan ka barannay casharradaas. Annagu ma aanan ku lug lahayn weerarradii hore ee Iran… mana ka qayb qaadan doonno tallaabooyin weerar ah hadda,” ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in Iran ay “raadinayso istaraatiijiyad burburka dhulka,” sidaas darteed UK waxay “taageereysaa is-difaaca wadajirka ah ee saaxiibada iyo dadkeena ku sugan gobolka.”

Starmer wuxuu ku tilmaamay inay tani tahay “habka ugu wanaagsan ee looga hortagi karo khatarta degdegga ah… isla markaana looga hortago in xaaladdu sii xumaato.”

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan