1


Warbaahinta gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ugu yaraan 108 qof ay ku dhinteen daadad ka dhashay roobab culus oo toddobaadyadii la soo dhaafay ka da’ay dalkaasi.
Wararka ayaa tilmaamaya in daadadku ay sababeen burbur ballaaran oo gaaray guryo, waddooyin iyo gaadiid, iyadoo sidoo kale la sheegay in kumannaan qof ay barakaceen.
Warbaahinta dalka ayaa intaas ku dartay in tirada dadka ay saameeyeen fatahaaddu ay sii kordheyso, isla markaana ay jirto cabsi laga qabo in xaaladdu ka sii darto maadaama qaar ka mid ah goobaha ay weli biyo fadhiyaan.
Mas’uuliyiinta ayaa digniin ka bixiyay khatarta sii socota ee daadadka, iyagoo ku booriyay shacabka inay ka fogaadaan meelaha halista ah.

Screenshot

Screenshot


Screenshot