Afar qof ayaa ku dhaawacmay magaalada Riyadh kadib markii firir ka dhashay gantaal la qabtay uu ku dhacay dhisme degaan ah, sida ay sheegtay hay’ada Difaaca Madaniga ee Sacuudiga.
Bayaan ay hay’addu ku daabacday baraha bulshada ee X ayaa lagu sheegay in dhaawacyadu ka dhasheen firir gantaal ballistic ah oo la soo riday, kaas oo ku dhacay dhisme ay dad deggenaayeen.
Wasaaradda Difaaca ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay oo burburisay afar gantaal oo ay sheegtay in loo soo ganay dhinaca Riyadh.
Duqayntan caawa ayaa kusoo beegmaysa xili ay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay martigalisay kulan wadatashi ah oo ay isugu imaanayaan wasiirrada arrimaha dibadda ee dalal Carbeed iyo kuwa Islaamka qaarkood, iyadoo laga hadlayo sida loo xoojin karo amniga iyo xasilloonida gobolka iyadoo uu socdo dagaalka Maraykan–Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan. Arrintan waxaa si rasmi ah u sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga.