17
Hal qof ayaa ku dhintay kadib weerar gantaal oo lagu qaaday aagga Nahariya ee waqooyiga Israa’iil, sida ay sheegtay adeegga gurmadka degdegga ah ee Magen David Adom.
Adeegga caafimaadku wuxuu sheegay in 25 qof oo kale la geeyay isbitaalka oo ay dhaawacyo qabaan.
Waxa kale oo uu intaas ku daray in 13 qof ay qabaan dhaawacyo fudud oo ka dhashay qaraxa iyo firirka, halka 11 qofna la sheegay inay la ildaran yihiin calaamado welwel iyo argagax ah.
Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegaysa in gantaallada laga soo tuuray Lubnaan, iyadoo warar dheeraad ah la soo saari doono marka loo baahdo.