Khilaaf: Ergeyda gaar ah ee Trump oo baajiyey safar ay ku tagi lahaayeen Israa’iil

Booqashadii ay qorsheeyeen ergada Maraykanka Steve Witkoff iyo Jared Kushner ee ay ku tagi lahaayeen Israa’iil ayaa la baajiyay. Safarkan ayaa la filayay inuu dhaco Talaadada, waxaana ujeeddadiisu ahayd wadahadallo ku saabsan xiisadda sii kordheysa ee la xiriirta Iran.

Intii ay Israa’iil joogi lahaayeen, ergada Maraykanka waxay qorsheynayeen inay la kulmaan Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu si ay uga wada hadlaan xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka.

Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin sababta dhabta ah ee safarka loo baajiyay. Si kastaba, wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiri karaan kala aragti duwanaansho u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil oo ku saabsan sida loo wajahayo Iran iyo weerarrada ka socda gobolka.

Baajinta safarkan waxay imanaysaa xilli xiisaddu ay sii kordhayso, waxaana laga yaabaa inay muujinayso in ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo ka dhex jira xulafada Maraykanka iyo Israa’iil.

Related posts

Wasiir Jarmal ah iyo waftigiisii oo Iiraan gantaal ku weerarat, godkana loola cararay

Iiraan oo xalay weeraro balaadhan ka fulisay Bariga dhexe iyo Israa’iil

IEA ayaa ka fiirsanaysa inay sii deyso saliid aad u badan oo kaydkeeda ku jira