Kim John Un oo Bilihii u Dambeeyey Qaadayey Talaabooyin yaab leh

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Hoggaamiyaha North Korea, Kim Jong Un, ayaa la sheegay inuu qaaday tallaabooyin aan caadi ahayn oo la xiriira xoojinta awoodda milatari ee dalkiisa, iyadoo warbixin ay daabacday Reuters ay tilmaamayso in muddo ku dhow lix bilood uu si joogto ah ugu mashquulsanaa booqashooyin uu ku tagayo xarumaha milatariga iyo warshadaha hubka.

Warbixinta ayaa xustay in Kim uu inta badan waqtigiisa ku qaadanayo kormeerka horumarinta hubka iyo tababarrada ciidamada, taasoo keentay koror muuqda oo ku yimid wax-soo-saarka milatariga ee Kuuriyada Waqooyi.

Falanqeeyayaal ayaa arrintan ku micneeyay in Pyongyang ay wado diyaargarow militari oo ka baxsan heerkii caadiga ahaa, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan in hoggaamiyuhu filayo xaalado dagaal oo waaweyn oo dunida ka dhaca.

Sidoo kale, warbixintu waxay iftiimisay isbeddel muhiim ah oo ku saabsan mustaqbalka hoggaanka dalka, iyadoo la sheegay in Kim Jong Un uu bilaabay inuu si tartiib ah xilka ugu diyaariyo gabadhiisa yar, Kim Ju-ae.

Gabadhaan ayaa si joogto ah uga muuqaneysa goobaha milatariga iyo munaasabadaha muhiimka ah, iyadoo la tilmaamay inay si dhow ula socoto howlaha ciidamada, isla markaana ay aqoon u leedahay saraakiisha sare ee militariga.

Arrintan ayaa loo arkaa mid la mid ah habkii hore loogu soo diyaariyay Kim Jong Un laftiisa ka hor inta uusan xilka kala wareegin aabihii, taasoo muujinaysa in nidaamka hoggaanka dalka uu sii wado qaab dhaxal-siyaasadeed ah.

Dhanka kale, horumarkan cusub ayaa hoos u dhigay fursaddii hore loo siinayay Kim Yo Jong, oo ah walaasha Kim, taasoo mar la aaminsanaa inay noqon karto qofka ku xiga hoggaanka dalka. Warbixinno hore ayaa tilmaamayay inay door weyn ku leedahay siyaasadda gudaha iyo tan dibadda, balse hadda muuqaalka cusub ee Ju-ae ayaa beddelay saadaashaas.

Falanqeeyayaasha caalamiga ah ayaa sheegaya in isku darka xoojinta milatariga iyo qorshaha dhaxalka hoggaanka uu muujinayo in Kuuriyada Waqooyi ay isku diyaarineyso marxalad cusub oo istaraatiiji ah, taasoo laga yaabo inay saameyn ku yeelato amniga gobolka iyo xiriirka caalamiga ah ee dalkaas.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.