Koonfur Galbeed oo Cafis u Fidisay Ciidamada lagu diyaarinayo Buurhakaba, Furtayna Tartanka Doorashada Madaxweynaha

Maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay cafis ay u fidinayaan ciidamada tiro badan oo lagu diyaarinayo degmada Buurhakaba, iyagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan dagaallada isla markaana aysan u dagaallamin waxa ay ku tilmaameen dano siyaasadeed.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan, oo shir jaraa’id qabtay, ayaa sheegay in ciidamadu ay mudnaanta siiyaan badbaadada shacabka, midnimada iyo xasilloonida dalka, halkii ay ka qeyb qaadan lahaayeen colaado siyaasadeed.

Maamulka ayaa si gaar ah ugu baaqay ciidamada ku sugan Buurhakaba inay ka baxaan dagaalka, kana hortagaan hurinta xiisado hor leh oo sii xumeyn kara xaaladda amni.

Sidoo kale, Koonfur Galbeed ayaa xaqiijisay in cafis buuxa la siin doono askari kasta oo isasoo dhiiba, iyadoo loo ballanqaaday in aan wax dacwad ah lagu soo oogayn, isla markaana loola dhaqmi doono si waafaqsan mabaadi’da bani’aadannimada.

Mas’uuliyiinta maamulka ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay yareynta xiisadda, ka hortagga dhiig daata iyo in xal nabadeed loo helo khilaafka taagan.

Afhayeenka ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu si rasmi ah u shaacinayo in la furay fagaaraha siyaasadeed ee doorashada madaxweynaha maamulka, waxaana uu ugu baaqay dhammaan musharrixiinta u qalma inay ka qeyb qaataan tartanka ay kusoo dhoweenayaan magaalada Baydhabo.

Wuxuu sidoo kale xusay in musharrixiinta oo dhan loo dammaanad qaadi doono amnigooda inta ay socoto doorashada, si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo furan, hufan isla markaana loo dhan yahay.

Related posts

Iran oo soo Riday Diyaarado Dagaal.

Iiraan Oo Gantaallo ku Qarxisay Xarunta korontada Magaalada Hadera Ee Israel

Iiraan Oo Weerar culus oo Gantaallo ah Maanta ku Qaaday Saldhiga ugu wayn Israel