Heemaal News Network

Kooxda SDF Ee Kurdiyiinta Oo Weeraray Ciidamada Suuriya Ee ku Sugan Magalada Xalab

Ciidanka kooxda SDF ee Kurdiyiinta ay hoggaamiyaan ayaa weerarray isgayso ay maamullan ciidanka dawladda Suuriya oo ku yaalla magaalada Xalab, halkaa oo ay hadda ka socdaan iska horimaad toos ah, sida ay werisey Al Jazeera oo xiganaysa wakaaladda wararka Suuriya ee SANA.

Weerar ay qaaday SDF ayaa ku soo aaday xilli Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan uu ku sugan yahay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, isagoo kala hadlaya Axmed Sharac, sidii SDF loogu dhex dari lahaa ciidanka cusub ee Suuriya, ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee soo socda.

Ciidanka dawladda Suuriya ayaa billaabay inay taangiyo isaga caabiyaan ciidanka SDF ee Kurdida oo weerarray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidanka dawladda oo ku yaal magaalada Xalab, iyadoo iska horimaadka labada dhinac uu socdo tan iyo galinkii dambe ee maanta.

Bishii Maarso, Madaxweynaha Suuriya, Axmed Sharac ayaa heshiis la saxiixday SDF, oo maamusha dhul ballaaran oo ku yaalla waqooyi-bari Suuriya, kaas oo dhigaya in kooxda lagu daro hay’adaha dawladda.