“Kooxda Xag-jirka ah Ee Garabka Nataniyahu Shan-jeer Isku Dayeen Bur-burinta Masjidka AAl-Aqsa.”

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Israa’iil, Abraham Burg ayaa markii u horreysay bannaanka soo dhigay macluumaad aan horey loo shaacin oo la xiriira in garabka midigta fog ee Israa’iil ee hadda ku badan maamulka Netanyahu, ay isku dayeen wax ka badan shan jeer inay burburiyaan masjidka Al-Aqsa oo ah goobta saddexaad ee ugu barakada badan Islaamka, balse dhammaan isku dayadaas ay fashilmeen.

Waxaa kaloo uu sheegay in burburinta masjidka Al-Aqsa ay ka halis badnaan lahayd isticmaalka hub nukliyeer ah.

Wuxuu intaas ku daray: “Arrintaas waxay xitaa meesha ka saari kartaa sababta jiritaanka Israa’iil lafteeda.”

Burg wuxuu sidoo kale caddeeyay in arrintu aysan ku koobnaan doonin gudaha oo kaliya, balse ay keeni karto kacdoonno ballaaran oo ka dhaca dunidda Islaamka, isla markaana ay beddeli karto xaaladda guud ee gobolka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.