Kuwait oo soo riday tiro gantaalo ah “waan xaqiijinay amniga hawada dalka”

Ciidamada qalabka sida ee Kuwait ayaa sheegay in nidaamyadooda difaaca cirka ay “ka hortageen oo ay qabteen” tiro bartilmaameedyo cirka ah oo cadow ah waaberigii maanta, kuwaas oo ka muuqday bartamaha dalka.

Bayaan ay soo saareen ciidamadu ayaa lagu sheegay in hawlgalku uu ahaa mid lagu xaqiijinayey amniga hawada dalka, islamarkaana la qaaday tallaabooyin degdeg ah si loo difaaco dhulka iyo shacabka Kuwait.

Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyay nooca bartilmaameedyada la qabtay ama cidda laga shakisan yahay inay soo dirtay.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan