Labo xarumood oo la xiriira Nukliyeer ayaa lagu weeraray Iran, balse ma jirto wax sii daayay walxo shucaac ah, sida ay sheegtay.
sra| ayaa sheegatay in ay duqeysay, saldhiga nugliyeerka lagu sameeyo ee Araak loo yaqaan.
Wakaaladda wararka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRNA ayaa warbixin ay soo dhigtay barteeda Telegram ku sheegtay in dhismaha biyaha culus ee Khondab ee ku yaalla woqooyiga galbeed ee dalka Iiraan ay weerar ku qaadeen ciidamada Maraykanka iyo Israa’iil.
IRNA oo soo xiganeysa mas’uul ka tirsan gobolka Markazi ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.
Sidoo kale israa|l ayaa sheegtay in xarunta Arak ay ahayd tiir dhaqaale oo muhiim u ah nidaamka Iiraan, isla markaana ay sanad walba ka soo xarooto tobanaan milyan oo doolar.
Xarunta nukliyeerka ee Arak, oo sidoo kale loo yaqaan reactor-ka Khondab, waxay ku taallaa qiyaastii 250 km koonfur-galbeed ka xigta caasimadda Tehran, gaar ahaan deegaanka Khondab ee u dhow magaalada Arak.