Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in uu dalkiisu diyaar u yahay shidaal laga iibiyo dalalka Yurub iyo Maraykanka kuwaas oo wajahaya shidaal yaraan ka dhalatay dagaalka ka soconaya bariga dhexe.
Ruushka oo muddo afar sano ah ay saarnayd cuna qabataynta kaga timi reer Galbeedka ayaa hadda u muuqda in uu helay fursad uu ku soo geli karo suuqyada shidaalka iyo gaasta Caalamka taas oo ay sabab u tahay Iran oo xidhay gacankii Hormuz ee la marin jirey shidaalka laga soo saaro dalalka Khaliijka.