Ma Dhabaa Inuu Geeriyooday Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Zayed ?

Hadal heynta ku saabsan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa baraha bulshada lagu wadaagayaa 48 saac ee u dambeysay, la Sheegay inuu geeriyooday, kaddib markii ay soo baxday inuu wajahayo xaalad caafimaad oo dhalisay in la joojiyo jadwalkiisa shaqo ee toddobaadkan, wax walbana waxay cirka isku shareereen markii madaxtooyadda Turkiga ay baahisay inuu Erdogan baajiyay booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta, sabab la xiriirta madaxweynaha Imaaraadka Carabta oo xanuusanaya.

Illaa hadda ma jiro warsaxaafadeed ama hadal ka soo baxay Abu Dhabi oo looga falceliyay hadal heynta la xiriirta xaaladda caafimaad ee Al Nahyan, mana aha Erdogan kaliya cidda baajisay socdaal ay ku tagi lahaayeen Abu Dhabi ee madaxweynaha Giriiga ayaa isagana baajiyay booqasho horey loo qorsheeyay.

Laakin, wax su’aal galinaya dhab ahaan shaha xaalad caafimaad oo qasbaysa inuusan wax shaqo ah qaban karin Maxamed Al Nahyan inay jirto, kaddib markii madaxtooyadda Turkiga ay wax ka badashay qoraalladii laga baahiyay booqashada uu baajiyay Erdogan, waxaana qoraalkii asalka ahaa laga saaray sabab caafimaad socdaalka in loo joojiyay , waxaana lagu beddelay in jadwalka booqashada si wadajir ah loo beddelay oo dib loo qorsheynayo.

Markiiba ficilada madaxtooyadda Turkiga, waxay dhalisay is waydiinta la xiriirta inay jirto wax ka badan xaalad caafimaad oo socdaalka Erdogan loo joojiyay, tusaale ahaan si ku talagal ah waxaa loo soo hormariyay booqasho aan horey loo shaacin oo Amiirka Qatar uu saddex maalin ka hor ku tagay Abu Dhabi, waana dhacdadii u dambeysay ee madaxweynaha Imaaraadka lagu arkay, xilligaa oo garoonka diyaaradaha uu ku soo dhaweeyay Amiirka Qatar, iyadoo aan la arkin tilmaamo muujinaya inuu Maxamed Al Nahyan ku jiro xaalad caafimaad.

Marka xagal kale laga eego, kulanka la filayay inuu dhex maro Recep Tayyip Erdogan iyo Mohammed bin Zayed ayaa imanayay xilli gobolka uu wajahayo dhaqdhaqaaqyo istiraatiiji ah oo is xigxiga.

Diblomaasiyan marka sabab caafimaad lagu xuso dib u dhigid kulan, caadiyan si cad ayaa loo xaqiijiyo. Hase yeeshee marka warka la beddelo, waxay inta badan muujin kartaa in la doonayo in laga fogaado fasiraad siyaasadeed oo xasaasi ah. Aragtidayda, qabashada kulan noocan ah xilligan wuxuu yeelan lahaa micne ka baxsan kulan caadi ah, maadaama sawir ama warsaxaafadeed wadajir ah uu noqon karo fariin loo diro dhinacyo kala duwan oo ku lug leh loollanka gobolka.

Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa kordhay dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed iyo kuwo amni oo la xiriira Itoobiya, Liibiya, Soomaaliya iyo Badda Cas. Waxaa sidoo kale jiray hadallo siyaasadeed iyo warar ku saabsan heshiisyo suurtagal ah oo ka socda Geeska Afrika, kuwaas oo si dhow loola socdo ayna ku lug leeyihiin Imaaraadka Carabta iyo Turkiga oo dano iska soo horjeeda gobolka ka leh.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo muujinaya khilaaf toos ah oo u dhexeeya labada dal. Si kastaba ha ahaatee, isku beegga waqtiga iyo isbeddelka qoraalka madaxtooyadda Turkiga ayaa sii kordhiyay mala-awaalka ku saabsan in dib u dhigiddu ay la xiriiri karto duruufo istiraatiiji ah oo ka baxsan sabab caafimaad.

Hadda waa inaan sugnaa, toddobaadyada soo socda, si loo arko in kulanka dib loo jadwaleeyo iyo in tallaabooyinka xiga ay caddeeyaan jihada cusub ee isdhexgalka gobolka.

Related posts

Somaliya Oo si Rasmi ah u Dhaqan Gelisay Nnidaamka Cusub Ee Electronic Travel

“Qalabkan Qiimaha Laydhka Boorama wuxuu ka Dhigi Doonaa…” Wasiirka Macdanta Somaliland

Somaliland Oo Shaacisay Deegaanada Laga Arkay Bishan Ramadaan