Maamulka Waqooyi Bari oo si Rasmi ah u Shaacisayay in Doorashooyinku ka Dhacayaan Deegaanadiisa

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay qabsoomidda Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka, kuwaas oo ay hoggaaminayso guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka maanta ayaa lagu sheegay in wasaaraddu si buuxda u garab taagan tahay hirgelinta doorashooyinkaasi, iyada oo loo cuskanayo Qodobka 104-aad iyo Qodobka 105-aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, kuwaas oo qeexaya nidaamka, awoodda iyo habraaca doorashooyinka goleyaasha deegaanka.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay caddeysay in ay masuul ka tahay nidaaminta, kormeerka iyo hubinta in doorashooyinku u dhacaan si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Qodobka 47-aad, iyo sharciyada kale ee dalka u yaalla.

Maamulka Waqooyi Bari waxay sheegtay in ayna u dulqaadan doonin wax kasta oo carqalad ku noqda xuduudaha iyo masuuliyadda ka saaran maamul ahaan, isla markaana ay qaadi doonto tallaabo sharci ah cid kasta oo isku dayda inay faragelin ku sameyso doorashooyinka ama ku xadgudubto nidaamka dowladeed.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay ilaalinta daris-nimada, wada noolaanshaha iyo xasilloonida ka dhexeysa bulshada ku dhaqan deegaannada Waqooyi Bari iyo maamullada dariska la ah. Maamulka ayaa ugu baaqday hay’adaha ay khusayso iyo shacabka inay dhowraan sharciga, isla markaana laga fogaado tallaabo kasta oo wax u dhimaysa nabadda iyo xasilloonida.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Waqooyi Bari waxay mar kale ku celisay in ilaalinta nabadda, sharciga iyo daris-nimadu ay yihiin mudnaanta koowaad, iyada oo ku boorrisay guddiga Doorashooyinka inay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, oo ay dowlada Federaalka isku maan dhaafsanyihiin arrimaha doorashooyinka, isla markaana sheegta in deegaanada Sool iyo Sanaag ay isaga hoos yimaadaan ayaa kaasoo horjeeda in doorashooyinka laga qabto deegaanadaas.

Related posts

USA oo u ogolaatay Israa’iil iib hub degdeg ah, iyo khaliijkii oo cidlo ku soo dhacay

Sacuudiga iyo Pakistan oo ka wada hadlay isku diyaarinta, dagaala iyo difaac wada jir ah

Xisbulah oo eryatay ciidamo Yuhuuda oo isku dayey hawlgal qarsoodi ah oo ay ka fulinayeen Lubnaan