Wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in hogaanka Iran uu yahay mid quus taagan oo qarsoon, kadib duqeymo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran, taasoo qayb ka ah dagaalka sii socda ee gobolka.
Hegseth ayaa hadalkaas ku sheegay shir jaraa’id, isagoo ku sifeeyey madaxda Tehran inay sida bakteeriyada uga cararayaan dhulka hoostiisa,” taasoo uu ku tilmaamay calaamad muujinaysa daciifnimo iyo baqdin.
Wasiirka dagaalka Mareykanka Pete Hegseth:”Madaxda Iran sida Jiirkii/Doolligii ayey dhulka hoostiisa isku qarinayaa.”
Laakiin isla maalintaas, muuqaalo ka yimid Tehran ayaa muujiyey madax sare oo Iran ah oo si fagaare ah ugu biiray dibadbaxyo lagu xusayo Maalinta Al-Quds (Quds Day) oo ah xus sanadle ah oo taageero loogu muujiyo reer Falastiin. Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araghchi ayaa si furan uga qeyb galay banaanbaxyada, iyagoo dadweynaha la socday inkastoo ay duqeymo ka dhacayeen meel u dhow.