Madaxda Masar iyo Suudaan Oo ku Heshiiyay Xoojinta Iskaashi Amni iyo Siyaasad

by Heemaaln
1 minutes read

Masar ayaa dib u xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee ay la garab taagan tahay ciidamada Suudaan, iyadoo ku celisay waxa ay ku tilmaamtay “khadad cas oo siyaasadeed” oo la xiriira midnimada iyo xasilloonida Suudaan.

Arrintan ayaa timid kadib wada-hadallo ka dhacay Qaahira oo dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly iyo dhiggiisa Suudaan Kamel Idris.

War-murtiyeed wadajir ah oo la soo saaray kulanka kadib, Masar waxay ku adkaysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta midnimada Suudaan, wadajirka dhuleed (territorial integrity) iyo haybadda qarannimo ee dalkaas.

Qaahira ayaa sidoo kale muujisay inay si dhow ula socoto xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee Suudaan, iyada oo ku baaqday in la ilaaliyo xasilloonida gobolka, lagana fogaado tallaabo kasta oo wiiqi karta wadajirka dalka.

Kulankan ayaa imanaya xilli Suudaan ay wajahaysay caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni, iyadoo Masar marar badan ku celcelisay in xasilloonida Suudaan ay qayb muhiim ah ka tahay amniga qaranka Masar iyo guud ahaan gobolka.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.