19
Hogaamiyeyaasha Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Aboy Axmed, ayaa caawa kulan saddex geesood ah ku yeeshay magaalada Jabuuti.
Madaxtooyadda Jabuuti ayaa shaacisay in is-aragan diiradda lagu saarey xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka oo ay ku jirto colaadda Bariga Dhexe iyo saameynta dhaqaale ee ay yeelan karto geeska Africa.


