Madaxweynaha dalka Azerbaijan Ilhan Caliyef ayaa sheegay in Iran ay tahay inay bixiso raalli-gelin kadib dhacdo drone ah oo uu ku tilmaamay fal fool-xun taas oo laba qof ku dhaawacday gobolka ismaamulka ah ee Nakhchivan Autonomous Republic.
Madaxweyne Caliyef ayaa ciiddamadiisa ku amray in ay galaan diyaar garow deg deg ah oo lagaga jawaabayo waxa uu uga yeedhay gardarro dalkiisa kaga imanaysa Jamhuuriyadda Iran.
Dhanka kale, dowladda Azerbaijan ayaa u yeertay safiirka Iran ee ku sugan Baku si ay uga dalbato sharaxaad ku saabsan dhacdada, inkastoo Iran ay diiday inay ka dambeysay weerarka drone-ka.
Sidoo kale dowladda Azerbaijan ayaa si ku-meel-gaar ah u xirtay qayb ka mid ah hawadeeda koonfureed ee u dhow xadka Iran muddo 12 saac ah, sida lagu sheegay ogeysiis duulimaadyada (NOTAM)
Tehran oo muddo lix maalmood ah gantaalo u qaybinaysay gobolka bariga dhexe ayaa hadda iska fogaysay inay ku lug lahayd weerarkii maanta lagu qaaday dawladda Azerbaijan taas oo xuduud la leh dalka Iran.