Madaxweynaha dalka Madagascar Oo Tijaabada Run iyo Beenta Marinaya Wasiiradiisa Cusub

Madaxweynaha dalka Madagascar ayaa ku dhawaaqay in dhamaan musharixiinta doonaya xilalka wasiirada dowladdiisa cusub laga doonayo iney maraan tijaabada lagu ogaado qofka beenta sheegaya (lie detector), taasi oo qayb ka ah olole lagula dagaalamayo musuqmaasuqa.

Qalabka Lie detector ayaa ah tijaabo lagu ogaado qofka beenta sheegaya iyo mid runta sheegaya, iyadoo marka qofka beenta sheegaya la weydiiyo su,aalo kala duwan ay kordhi karaan wadne garaaciisa, cadaadiska dhiiga, iyo neefsashadiisa taasi oo uu ogaan karo qalabkani.

Madaxweynaha Madagascar oo afgambi ku qabsaday xukunka dalkaasi bishii October ayaa kala direy dhamaan wasiiradii xukuumadiisa, isagoo magacaabay Ra’iisul wasaare cusub oo dhisi doonna xukuumad la doonayo iney ka madhnaato musuqmaasuqa.

Related posts

Israa’iil Oo Sheegay Inay 20 Qof ku Dhaawacmeen Gantaalo ay Caawa Iran ku Weerartay Dimona

Israel Oo ku Baaqday in loo Midoobo Dagaalka Iran Walaac-na ka Muujisay Gantaalka 4,000 KM

Madaxwayne Trump Oo ku Farxay Geerida Madaxii hore ee Hay’ada Sirdoonka Maraykanka