Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Maxamed bin Zayed Al Nahyan ayaa si dadban ugu hanjabay Iiraan, isagoo sheegay in dalkiisu uusan ahayn mid si fudud loo weerari karo, isla markaana Iiraan ku tilmaamay cadowga Imaaraadka. Hadalkan ayaa ka duwan sida Imaaraadku hore ugu hadli jiray xiriirka uu la leeyahay deriskiisa Khaliijka.
Hadal u horreyay oo uu jeediyay tan iyo markii uu bilowday dagaalka , ka dib markii uu maanta isbitaallada ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarrada ayaa sheegay inuu doonayo inuu fariin u diro cadowga Imaaraadka.
Wuxuu yiri:
“Imaaraadku waa dal qurux badan, waana tusaale ay dalal kale ku daydaan. Laakiin waxaan leeyahay: ha ku kadsoomina taas…Imaaraadku waa dal xooggan, gacantiisuna way gaari kartaa meel kasta. Mana nihin dad si fudud loo ugaarsan karo ama loo jabin karo.”