Madaxweynaha Iran Oo ka Hadlay Wada-hadal Uu la Yeeshay Dhigiisa Farance

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian ayaa wada hadal telefoon la yeeshay Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, isaga oo ku adkaystay in Iran aysan iyadu bilaabin dagaalkan foosha xun.

“Is-difaacidda marka lagu soo weeraro waa xuquuq dabiici ah, taas oo aan si fiican u naqaan,” ayuu yiri Pezeshkian

Wuxuu sidoo kale sheegay in isticmaalka saldhigyada Maraykanka ee gobolka si looga weeraro Iran, looguna carqaladeeyo xiriirka Iran la leedahay deriskeeda, ay tahay in la joojiyo.

Pezeshkian wuxuu ku adkaystay in Iran “aysan u hoggaansami doonin kuwa xooga sheegta”, isaga oo ugu baaqay bulshada caalamka inay cambaarayso duullaankan.

Wuxuu intaa ku daray: “Ka hadalka joojinta dagaalka wax macno ah ma laha ilaa aan hubinno in aysan mar dambe dhici doonin weerarro ka dhan ah dhulkeenna mustaqbalka.”

Xigasho BBC

Related posts

Ilhan Cumar ”Dagaalka Trump ku Qaaday Iiraan $2 Bilyan ka badan ayaa ku Baxda Maalin kasta”

Rag Hubaysan Oo Caawa Weerar ku Dilay Shan Askari Oo ka Tirsan Booliiska Iran.

Abu Ddhabi Oo la Tacaalaysa Dabka ka Dhashay Duqaymaha Drone-ka Iran