Madaxweynaha Jabuuti Oo la Tartamaya Musharax Xisbigiisa ka Tirsanaan Jiray

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maxamed Faarax Samatar oo ah Gudoomiyaha Xisbiga CDU ayaa noqday musharaxa kaliya ee doorashada madaxtinimo ee Jabuuti kula tartamaya Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geele.

Doorashada madaxtinimo ee Jabuuti ayaa dhacaysa 10 bisha April. Madaxweynaha Jabuuti oo markii lixaad u tartamaya xilka madaxtinimo ee Jabuuti ayaa doorashadii ugu dambeysay ku guuleystay codod gaadhaya 97%.

Ninkan ayaa hore uga tirsanaa xisbiga Ismaaciil Cumar Geelle ee RPP waana nin la rumaysan yahay in aanu geli doonin tartan adag oo caqabad ku noqon kara hoggaamiyaha Jabuuti.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la filayaa in bisha soo socota uu ku guulaysan doono codod ka badan 95% maaddama oo mar walba uu ku guulaysto natiijo 90%.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.