Madaxweynaha Kenya Oo Kulan Afur Wadareed ah Muslimiinta kula Qaatay Magalada Mombasa

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto waxa uu kulan afur wadareed ah Muslimiinta kula Qaatay magaalada Mombasa ee xeebta

Madaxweyne William waxa uu ku lebistay dharqa Muslimka astaabta u ah ee Khamiis iyo Koofiyadda, waana kulan uu Ramadaan kasta la yeesho Muslimta waddankaasi ku dhaqan oo uu uga mahad celiyey Kaalinta ay ku leeyihiin Bulshada dadka kenya.

“Qasriga Madaxtooyada ee Mombasa, waxaan sharaf u helnay inaan la midoowno walaalaheenna Muslimiinta si aan u wadaagno Afurka oo ah waqti qiimo badan oo lagu xusuusto, lagu mahadnaqo, laguna xoojiyo midnimada inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan” Ayuu yidhi Madaxweyne William Ruto


Related posts

Shiinaha Oo Maanta ku Dhawaaqay Inuu Taageero kale Siinayo Iran

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga:-“Dagaalka Bariga Dhexe Qayb kama Nihin.”

Muuqaalka khudbaddii uu Xalay Jeediyay Ra’iisulwasaare Netanyahu Oo laysku Haysto.