Madaxweynaha Somaliland Oo Cafis U Fidiyey 713 maxbuus

by Heemaal
2 minutes read

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta soo saaray wareegto madaxweyne oo cafis guud loogu fidinayo 713 maxbuus oo ku xiran xabsiyada dalka, xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Maxaabiistan oo ku xukuman dembiyo fudud ayaa la filayaa in si degdeg ah loo sii daayo, sida lagu sheegay wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha. Cafiskan ayaa dhaqan-galaya laga bilaabo taariikhda maanta.

Wareegtada cafiska ayaa timid kadib markii madaxweynuhu tixgeliyey talo-bixin rasmi ah oo ka timid Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, taas oo summaddeedu tahay XIG/JSL/115/2026, kuna taariikhaysan 24-ka February 2026. Sidoo kale, waxaa hore u jiray qoraal ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Asluubta oo la xidhiidha arrintan.

Qoraalka wareegtada ayaa lagu caddeeyey in cafiskani aanu wax saamayn ah ku yeelan doonin xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen maxaabiistu.

Madaxweynayaashii kala dambeeyey ee Somaliland ayaa sanad walba xilliga Ramadaanta cafis u fidiya boqolaal maxaabiis ah oo ku jira xabsiyada dalka, arrintaas oo loo arko mid lagu muujinayo naxariis iyo isu-soo dhowaansho bulsho.

Cafiskan cusub ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee uu soo saaro Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxaana si weyn looga hadal hayaa gudaha dalka.

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

XAFIISKA MADAXWEYNAHA

Taariikh: 25/02/2026
Ref: JSL/M/XM/02/2026

WAR-SAXAAFADEED

WAREEGTO MADAXWEYNE

(Cafis Guud)

Markii aan arkay: Qoddobka 90aad, Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay: Qoraalka Taliyaha Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-01/85/2026, kuna taariikhaysan 19/02/2026;

Markii aan tixgeliyey: Qoraalka soo-jeedinta ah ee Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, summaddiisu tahay XIG/JSL/115/2026, kuna taariikhaysan 24/02/2026, ujeeddadiisuna tahay talo-bixin cafis;

Markii aan la-tashaday: Hay’adaha ay khusayso;

Waxa aan go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee ku xidhan xabsiyada dalka, oo tiradoodu dhan tahay 713 (Toddoba boqol iyo saddex iyo toban) maxbuus.

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen.

Fulinta wareegtadan waxa qaabilsan Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska maxaabiista ku lifaaqan.

Allaah Mahad Leh

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

-
00:00
00:00
Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.