Heemaal News Network

Madaxweyne Ciro Oo la Kulmay Gudiga Qiimaynta Iyo Baarista Khasaaraha ka Dhashay Rabsadihii Borama

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa kulankii ugu horreeyey la yeeshay Guddida Heer Qaran ee Baadhista iyo Qiimaynta dhacdooyinkii ka dhacay Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorame.

Guddidan oo uu Madaxweynuhu dhawaan magacaabay ayaa waxa loo xilsaaray in ay sameeyaan Baadhista qoto dheer, qiimayn mug leh, talo-bixin ku wajahan Xukuumadda oo la xidhiidha xalalka ugu habboon ee kasoo baxa baadhista iyo qiimaynta.

Madaxweynuhu waxa uu Guddida Allah SWT uga baryey in uu u fududeeyo hawsha culus, isaga oo kula dardaarmay in hawsha loo xilsaaray ay u gutaan si masuuliyad leh, daah-furan oo daacadnimo leh, isla markaana si ay degdeg ah u soo diyaariyaan warbixin dhammaystiran oo ku salaysan xaqiiqada dhabta ah ee la xidhiidha dhacdooyinkii dhawaan ka dhacay magaalada Boorame.

Waxa xusid mudan in Guddidan oo ka kooban 23 xubnood ay yihiin kuwo gebi ahaanba ka madax-bannaan saamayn iyo faro-gelin kasta oo ka baxsan waajibaadkooda Qaran ee loo xilsaaray, iyaga oo war-bixintooda iyo talo-bixintooda rasmiga ah muddo kooban ugu soo gudbin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.